Xildhibaanada Baarlamanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa waxaa ay ku yeesheen Magaalada Jowahr ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa uu ahaa ka doodista Miisaaniyada sanadka 2020 ee Maamulka Hirshabeelle, iyagoona cod Aqlabiyad ah ku ansixiyay Miisaaniyadda maamulkaas.
Miisaniyadda 2020 oo ay so diyaarisay Wasaarada Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqalaha ayaa gaareysa $14,010,984 “Afar iyo toban malyan toban kun iyo sagaal boqol iyo siddeetan iyo afar dollar”.
Kulanka lagu ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2020 waxaa si rasmi ah u soo xaadiray 51 xildhiban oo uu shir guddominay Guddomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamanka Hirshabelle Md Cabdi Xuseen Geedi.
Maalmo kahor ayay aheyd markii Golaha Wasiirada Hirshabeelle ay ansixiyeen Miisaaniyada Hirshabeelle oo ka kooban dakhliga gudaha ka soo xerooda iyo deeqaha laga helo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha caalimiga ah.