Madaxweynaha Turkiga ayaa hadalkaasi ka sheegay Dibadbax ka dhacay magaalladda Gaziantep ee K/bari ee Turkiga, halkaasi oo Isbuucii hore lagu dilay 54 qof oo ka qeyb galaysay Xaflad Aroos.
“Waxaan samayn doonaa Isku-day kasta sidii Kooxda Daacish looga nadiifin lahaa Syria” ayuu yiri Erdogan oo la hadlayey Dibadbaxayaal watay Calanka Turkiga, oo intaasi ku daray in la sii wadayo Hawlgalka ilaa laga soo af-jarayo Joogitaanka Daacish ee Syria.
Sidoo kale, waxa uu Hawlgalkaasi ku sheegay mid fursad siin doono dadkii ka soo qaxay Syria inay dib ugu laaban karaa Degmooyinka laga xoreeyey Kooxda Daacish.
Hadalkiisa ayaa yimid, iyadoo ay Milliteriga Turkiga maalintii 6aad Hawlgal ka wadaan Waqooyiga Syria, iyagoo baacsanaya Maleeshiyadda Daacish iyo kuwa Kooxda Kurdishka ee The Democratic Union Party ee loo soo gaabiyo YPG.
Dhiunaca kala, ugu yaraan 40 qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay duqeymaha ay Diyaaradaha Dagaalka Turkiga shalay ka geysteen Tuullooyinka Jabal Kusa iyo Amarnah ee duleedka Degmaddfa Jarabulus ee Waqooyiga Syria.
©Radio Dalsan