Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Maamulka la magac baxay Somaliland, Sacad Cali Shire ayaa u gudbiyey Dowladda Masar codsi la xiriira sidii ay u aqoonsan lahaayeen Somaliland.
Wasiirka ayaa arrinkaasi kaga dhawaaqay Kulan uu shalay magaalladda Qaahira kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar, Dr. Samiix Shukri, sida ay baahiyeen Warbaahinta dalkaasi.
Labada Mas’uul waxay kaloo ka wada hadleen Heerka uu marayo Wada-hadaladii u socday Dowladda Federalka Somalia iyo Maamulka Somaliland, kaasi oo soo bilowday sannadkii 2012-kii iyo Xaalladaha Gudaha ee Somaliland.
Kulankaasi waxaa kaloo lagu soo qaaday Aragtida Gooni-isku-taagga Somaliland ee ay ku dhawaaqeen sannadkii 1991-kii, iyadoo aysan jirin Dowlad weli aqoonsatay Maamulka Somaliland.
Dowladda Masar wax war ah kama soo saarin Codsiga ay Maamulka Somaliland ku doonayaan in loo aqoonsado Waddan ka madax bannaan Jamhuutriyadda Somalia.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Sacad Cali Shire iyo Wafdigiisa ayaa gelinkii dambe ee shalay ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Qaahira, kadib, markii ay dhamaysteen Socdaalkii Ictiraaf Raadika ee ay ku joogeen dalka Masar.
©Radio Dalsan