Telefishinka RTL ee dalkaasi ayaa sheegtay in Waaberigii hore ee saakyato qarax lala beegsaday Dhismahaasi oo ku yaalla Deegaanka Neder-Over-Hembeek, a suburb north of Brussels ee Waqooyiga magaalladda Brussels, mana jirto cid wax ku noqotay qaraxaasi.
Telefishinka RTL waxa uu intaasi ku daray in Koox wadatay gaari ay xoog ku soo jiireen saddex jidgooyo, ka hor intaysan Bam ku qarxin Machadkaasi oo hoos taga Wasaaradda Caddaaladda ee dalkaasi.
Dembi-baarayaasha dalkaasi ayaa sheegay inay ku raad joogaan Eedeysanahayaasha ka dambeeyey Qaraxaas oo ololiyey qeybo ka mid ah Machadkaasi oo ay ku yaallaan Shaybaaro lagu baaro Dembiilayaasha.
Bolis badan ayaa loo daad-gureeyey Dhismaha, waxayna baarayaan ugu yaraan Hal Eedeysane iyo wax ka badan oo lala xiriirinayo Qaraxaasi.
©Radio Dalsan