Ra’isul-wasaaraha Talyaaniga oo ku dhawaaqay inuu is-casilay.

Matteo Renzi ayaa ku dhawaaqay go’aankaasi saacado kadib, markii uu ku fashilmay Cod-bixin loo qaaday Isbedel lagu sameeyo Dastuurka dalkaasi.

Waxa uu Weriyayaasha u sheegay inay halkaasi ku dhamaatay Khibradiisa Dowladda, waxaana la filayaa inuu Madaxweyne Serjiyo Mattarella maanta u gudbiyo Qoraalkiisa Is-casilaadda, isagoo kulankii ugu dambeeyey la yeelanaya Golihiisa Wasiiradda.

Ku-dhawaad 51 million oo qof oo u dhashay Talyaaniga ayaa codkooda dhiibtay, iyadoo ay 70% ka hor yimaadeen in isbedel lagu sameeyo Dastuurka, taasi oo horseedi lahayd in la yareeyo tirada xubnahaAqalka Sare ee Senedka oo haatan ah 315 Xildhibaan, laguna soo koobo 100-Xildhibaan.

Xisbiga shacbiyadda leh ee The five Star Movement oo ka soo horjeeda Xisbiga Democratic Party ee uu hoggaamiyo Ra’isul-wasaare Matiyo Renzi ayaa taageerayey Ololaha Maya loogu codeeyey Isbedelkaasi.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor