Ra’isul-wasaaraha Japan, Shinzo Abe waxa uu Yaboohaasi kaga dhawaaqay Shirweynaha 6-aad ee Madaxda Dowladdaha Afrika iyo Japan ee TICAD, kaasi oo ka socda caasimadda Kenya ee Nairobi wuxuuna xusay in Dhaqaalahaasi wax looga qaban doono Horunarinta Qaaradda Afrika.
Waxa uu intaasi ku daray in Xirmadda Lacagtda uu ku yaboohay la kharaj gareyn doono muddo 3 sanno oo ka bilaabanayso Sanadkan waxaana Kharaajkaasi ku jira 10 BILLION oo Dollar oo loogu talagalay Mashaariicda Kaabayaasha Gaadiidka iyo Tareenadda ee Qaaradda Afrika.Kharajkaasi ayaa la soo marsiin doonaa Bangiga Horumarinta Afrika.
Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Japan, Shinzo Abe waxa uu tilaaay in Kaalmada Cusub lagu xaqiijin ddoonaan Daryeelka Caafimaadka iyo Wax-soo-saarka Shaqada ee Qaaradda Afrika
Dhinaca kale, Shirka 6-aad ee TICA waxaa ka qeyb galayo 34 Hoggaamiyayaal oo ay ka mid yihiin Madaxweynayaasha Dowladda Federalka oo Somalia, Hassan Sheikh Mohomud, Kenya, Uganda,Djibouti, had Ghana iyo Equatorial Ginu iyo Hoggaamiyayaal kale iyo Ganacsato ka kala timid Caalamka.
Shirweynaha Madaxda Qaaradda Afrika iyo Dowladda Japan ayaa la filayaa in la soo gebagebeeyo bishan August 29-da oo ku beegan maalinta Isniinta ee soo socota.
©Radio Dalsan