Muwaadin u dhashay dalka Hindiya oo lagu magacaabo Dana Maaji waxay dantu ku khasabtay in Maydka Marwadiisa garabka ku qaado, kadib uu waayey gaari uu ku qaado si uu ugu aaso Gobalka uu ka soo jeedo ee Oriyasa.
Mas’uuliyiinta Isbitaalka ku yaalla magaalladda Jaay oo ay ku geeriyootay Marwadiisa ayaa la sheegay inay u diideen Ambalaas lagu qaado Maydka xaaskiisa oo 42 jir ahayd.
Dhacdadan La-yaabka iyo Murugada leh ayaa dhacday Toddobaadkii hore, wuxuuna Isbitaalka kala caraabay Maydka Xaaskiisa bishan August 24-ii oo ku beegnayd habenkii Talaadada ee la soo dhaafay .
Waxa uu la guureeyey maydkii uu xambaarsanaa, waxa uu la daalla-dhaco waxa uu Maydka geeyey Deegaankii uu ka soo jeeday geeyey maalintii Arbacadda ee la soo dhaafay oo ay bishan August ahayd 24-ka.
Dana Maaji waxa uu maydka Xaaskiisa la lugeeyey asaafo dhan 12 KM iyadoo aysan jirin qof kale oo uu wehliyey maydka uu xambaarsanaa.
©Radio Dalsan