Maxkamadda Old Bailey ee ku taalla magaalladda Lodnon waxaa shalay la soo taagay Abdullahi Ahmed Jama Farah kaasi oo wax ka barta Jaamaad ku taalla magaalladda Manhester ee dalka Britain
Muwaadinka Soomaaliga oo haysta Dhalashadda dalka Denmark waxaa lagu soo oogay inuu diyaarinayey Falal Argagixiso iyo inuu ku taageeray Muwaadin kale oo lagu magaaabo Nur Hassan oo 19 jir ah inuu ku biiro Kooda Daacish ee ka dagaalanta gudaha dalka Syria.
Telefishinka ITV ee dalka Britain ayaa sheegay in Eedeysanaha la xiriiray xubno ka tirsan Kooxda Daacish iyo in Kombiyuutarkiisa laga helay Farriimo uu ku diray Warbaahinta ay Bulshadda ku wada xiriirto ee Whatsapp.
Eedeysanaha waxaa kaloo lagu soo oogay inuu la xiriiray Labo Gabdho oo Somali British oo ay Qaraabo yihiin kuwaasi oo horey ugu biiray Kooxda Daacish ee ku sugan gudaha Syria.
Labada Gabdhood oo Mataano ah ayaa lagu kala magacaabaa Sahra Ibrahim Halane iyo Salma Halane kuwaasi oo sannadkii 2014-kii si qarsoodi ah ugu safray dalka Syria waxaana la tuhunsan yahay inay u dhaxaan Jihaadistayaal Daaish ah.
Gabdhaha Walaalkooda oo lagu magacaabo Ahmed Ibrahim Halane ayaa laga mamnuucay Britain kadib markii uu bishii September ee sannadkii 2013-kii ku biiray Alshabaab wuxuuna haatan ku nool yahay Caasimadda dalka Denmark ee Copehagen.
Dhinaca kale Maxkamadda Old Bailey ee ku taalla magaalladda Lodnon waxay Eedeysanaha shalay la soo taagay Abdullahi Ahmed Jama Farah waxay ku xukuntay Xabsi 7 sanno ah.
©Radio Dalsan