Ra’isul-wasaaraha iyo Madaxda Dowlad-gobaleedyadda oo ku soo wajahan Muqdisho

Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka iyo Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug iyo Jubbaland ayaa la filayaa inay maanta ka soo ambabaxaan magaalladda Gaalkacayo oo ay u joogeen hawlo Nabadayn ah iyo Dhaqangelinta Heshiiska Nabadda Gaalkacayo.

Madaxda ayaa la filayaa inay maanta soo gaaraan magaalladda Muqdisho, si ay uga qeyb galaan Shirka Madasha Wada-tashiga Qaranka oo berri furmi doona.

Shirkaasi ayaa lagu eegi doonaa Natiijooyinkii ka soo baxay Cod-ururinta dadka ku nool Goballadda ee ku aadanaa Qaabka ay Doorasho uga dhici karto dalkeenna sannadka soo socda.

Warar Hordhac ayaa sheegaya inay Maamulladda Puntland iyo Jubbaland doonayaan in Doorashadda lagu saleeyo Degmooyinkii dhisnaa Xilligii Dowladdii Kacaanka.

Dhinaca kale, Dowlad-gobaleedyadda Galmudug iyo K/galbeed ayaa la sheegay inay doonayaan in Doorashadda lagu saleeyo Nidaamka Qeybsiga ee 4.5 o oay Dowladda Dhexe ku dhisan tahay.

Si kastaba ha ahaatee, Shirka Madasha Wada-tashiga Qaranka ayaa waxa uu dhowr maalmood dib uga dhacay xilligii la ballansanaa, waxaana taasi ugu wacan Xiisaddii Colaadeee ee Ciiddanka Puntland iyo kuwa Galmudug ku dhex maray magaalladda kala-qeybsan ee Gaalkacyo.

© Radio Dalsan          

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor