Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed waxa uu barqanimadii maanta booqasho hawleed oo 2 maalin ah ku tegay caasimadda dalka Eritrea ee Asmara, waxana Garoonka si diiran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha dalkaasi, Isias Afwerki.
Qoraal uu Bartiisa Twitter-ka soo dhigay Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel waxa uu ku sheegay inay labada dhinac ka wada hadli doonaan horumarinta dheeraadka ee dhamaan Iskaashiga labada Waddan, Arrimaha Gobalka iyo Danaha ay Ethiopia iyo Eritrea wadaagaan.
Wafdiga Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed ku wehliya socdaalka uu ku tegay Asmara waxaa ka mid ah Wasiirka Maaliyadda, Axmed Shide iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Dowladda Ethiopia.