Gaari ay la socdeen Muhaajiriin ayaa la sheegay inuu saakayto ku qalibmay Bariga dalkaasi, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku aadan tirada ku geeriyootay shilkaasi.
Wakaalladda Wararka u faafisa Dowladda Turkiga ee Anadolu News Agency waxay baahisay inay ugu yaraan 4 Muhaajiriin ku geeriyootay shilkaasi, balse, Telefishinka Madaxa Bannaan ee NTV waxa uu tirada dhimashadda ku sheegay 14 qof.
Guddoomiyaha Gobalka uu shilku ka dhacay, Maxmed Emin Bilmez waxa uu tilmaamay inay 15 qof oo ay carruur badan ku jiraan ku geeriyoodeen Shilkaasi oo ka dhacay Waddo weyn oo u dhow Degmadda Ozalp oo ku taalla xuduudka Turkiga la wadaago Iiraan.
Goobjoogayaal ayaa sheegay inuu Dareewalka xakamayn kari waayey gaariga oo uu si xawli ah ku waday, taasi oo keentay inuu gaarigu ku dhaco Kanaal ku dhinac yaallay wadada.
Weli lama shaacinin dalalka ay u dhasheen Muhaaajiriinta ku geeriyootay iyo kuwa ku dhaawacmay shilkaas ka dhacay Bariga Turkiga.
Bishii la soo dhaafay, 10 Muhaajiriin ah ayaa ku geeriyootay gaari ay la socdeen, kadib, markii uu ku dhacay dhismo ganacsi oo ku yaalla W/galbeed ee dalka Turkiga, kuna dhow xuduudka dalka Giriigga.