Ra’iisul Wasaare Xamse oo Cambaareeyay Qaraxii lagu dilay Wasiirkii Cadaaladda KGS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-shabaab ee maanta lagu dilay Wasiirkii Caddaaladda Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed (AUN) Shiikh Xasan Ibraahim Lugbuur.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoyska wasiirka iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed, isaga oo Alle uga baryay naxariistii janno inuu ka waraabiyo, ehelka iyo umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Xamse ayaa waxa uu sheegay in falalka Al-shabaab aanay marna niyad jabin doonin dadaalka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu jiraan amniga iyo sidii loo heli lahaa nabad waarta.

Qarax miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa lala beegsaday oo lagu dilay Wasiirkii Wasaaradda Cadaaladda Koonfur Galbeed Xasan Ibraahim Lugbuur, xilli uu kasoo baxayey masjid ku yaalla Magaalada Baydhabo.

In ka badan 10 ruux ayaa ku dhaawacmay Qaraxii lagu dilay Wasiir Lugbuur, waxaana dadka dhaawacmay la geeyay Isbitaalka Magaalada si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo.

About Webmaster

View all posts by Webmaster
%d bloggers like this: