Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa laga dalbaday inuu hor yimaado Fadhiga Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Cabdi Shire Ciyaar Jecel oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Maanta ka hadlaayay kulankii ay yeesheen Xildhibaanada ayaa waxaa uu ka Codsaday Ra’iisul Wasaare Kheyre in uu horyimado Golaha si loola socdo arrimo dhowr ah.
Sidoo kale Xildhibaan Cabdi Shire ayaa tilmaamay in Xildhibaanada ay u baahan yihiin inay la socdaan arrimaha muranka Badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya,isla markaana Ra’iisul Wasaaraha uu cadeeyo Mowqifka dowladda ee arrimahaas.
Ugu dambeybtii Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Cabdiweli Sheekh Muudey oo ka hadlay Kulankii Maanta ee Golaha Shacabka ayaa waxaa uu sheegay in Baarlamaanka uu la socdo halka uu marayo Khilaafka muranka Badda ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya,kaasi oo weli wax xal ah laga gaarin.
Ajendaha Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu ahaa Akhrinta 1-aad Wax ka Bedelka Sharciga Shaqaalaha Rayidka ee Dawlada iyo Warbixinta Baarlamaanka Carabta.