Ciiddanka Ilaaladda Xudduudaha ee Goballadda Jazaan, Najraan iyo Casir ee K/Sacuudiga ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Eedeysanayaal ka soo kala jeeda Somali, Ethiopian iyo Sacuudiyaan, kuwaasi oo si qarsoodi ah u doonayey inay Sacuudiga ku geliyaan Xashiish culayskiisu lagu sheegay in ka badan Hal Tan iyo Rubuc ama u dhigma 1,273 Kiilogaraam.
Afhayeenka Ilaaladda Xuduudaha ee Sacuudiga, Kolonel Musfir Bin Qanaam Al-qurayni waxa uu u sheegay Warbaahinta inta lagu guda-jiray Bishii Shawaal ee sannadkan 1440-ka ee Tirsiga Hijriyadda inay Ilaaladda Xuduudaha fashiliyeen qorshe lagu doonayey in noocyo ka mid ah Daroogadda lagu soo geliyo Xuduudka Koonfureed ee Boqortooyadda Sacuudiga la wadaagto dalka Yemen.
Mar uu ka hadlayey Eedeysanayaasha lagu qabtay xaddiga ugu badan ee Daroogadda Xashiishka waxa uu sheegay inay tiradooda guud dhan tahay 52-qof, kuwaasi oo kala ahaa 28 Ethiopian, 15 Yemeniyiin, 7 Somali ah iyo 2 haysata dhalashadda Sacuudiga.
Shabakadda Wararka ee Caajil ee Sacuudiga waxay soo bandhigtay Sawiradda Eedeysanayaasha iyo Daroogadii lagu qabtay, waxaana Eedeysanayaasha loo gudbiyey Hay’adda Baaritaanka Sacuudiga, si baaritaanka kadib loogu gudbiyo Maxkamadda awoodda u leh qaadista Eedeymaha Daroogada.
Waddanka Sacuudiga waxaa ka mamnuuc ah Draoogada, iyadoo Eedeysanayaasha lagu helo lagu fuliyo xukuno isugu jira Qoor-goyn ama Xabsi ugu yaraan tobanaan sanno.