Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa waxaa uu weerar Afka ah ku qaaday Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya.
Guddoomiye Yariisow ayaa waxaa uu sheegay in nasiib darro ay tahay in Wasaaradda Caafimaadka ay ka maseyrto Maamulka Gobolka Banaadir,isla markaana u dhaqanto si xaasidnimo ah.
Isaga oo sii hadlaayay ayuu tilmaamay Duq Muqdisho in Weligeedba Caafimaadka Aasaasiga iyo Buuga Caafimaadka uu yahay maamulka Gobolka iyo dhammaan dhaqangelinta howlaha Caafimaadka.
War qoraal ah oo bartiisa Facebook uu kusoo qoray Guddoomiye Yariisow ayuu uga hadlay arrimahaas,waxaana uu qornaa sidan.
“Waa nasiibdaro in Wasaarada Caafimaadka DFS ay ka maseyrto Maamulka G/Banaadir oo ay si xaasidnimo u dhaqanto. Weligeedba Caafimaadka Aasaasiga iyo Buuga Caafimaadka waa mas’uuliyada G/Banaadir iyo dhammaan dhaqangelinta howlaha Caafimaadka, halka Wasaaradu ay mas’uul ka tahay Siyaasada heer Qaran ee Caafimaadka Dhammaan gobolada”ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Sikastaba Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay inuu sameeyay Buugga Caafiimadka kaas oo ay qadan doonaan Muwaadiniinta ka dhoofaya Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho,kuwaasi oo aadaya dalka dibadiisa.