Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Degmada Bardaale ee Gobolka Baay, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.
Wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa qeyb ka ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, waxaaana Garoonka diyaaradaha Bardaale kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Lafta-gareen iyo xubno kale.
Warar la helayo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Bardaale uu geeyay gurmad loogu talagalay dadkii dhawaan uu sameeyay Fatahaada Wabiga, waxaana dadkii kunoolaa degmadaas ay u barakaceen deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Baay.
Duhurnimadii Maanta ayaa Degmada Bardaale ee Gobolka Baay waxaa gaaray Wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.