Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay sababta dowladda Mareykanka ay Dhaqaalaha uga jartay Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliya.
Mudane Kheyre ayaa marka hore been abuur ku tilmaamay in sababta looga joojiyay Ciidamada dhaqaalaha ay tahay sababo la xiriira musuq maasuq uu arkay Mareykanka sida maalmahaan la baahinayay.
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka jawaabayay Su’aalo ay Wariyayaasha weeydiiyeen ayaa waxa uu sheegay in arrintaan ay ku timid heshiis dhexmaray Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka si loo hubiyo halka uu ku baxo Dhaqaalaha Ciidanka lasiiyo.
Marka laga soo tago hadalka Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa maalmahaan waxaa soo baxayay in dowladda Mareykanka dhaqaalihii ay siin jirtay ciidanka Qaranka ay uga jartay musuq iyo wax isdaba marin.