Masuuliyiin uu ka mid ahaa Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa Maanta Garoowe uga qeyb galay Shir looga hadlayo Tayeynta Ciidamada Booliska Puntland.
Shirkaan ayaa waxaa lagu daahfuray Mashruuca tayenta Ciidamada,waxaana goobjooga ka ahaa Wasiirka wasaarada Amniga Puntland  Axmed Cabdulaahi Yuusuf iyo masuuliyiin ka socday hay,adaha Caawiya Ciidamada Booliska Maamulka Puntland.
Wasiirka Amniga oo goobta ka hadlay sheegay in Qalabayn lagu sameeyey qaybo kamid ah saldhigyada Ciidamada  Puntland.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka mniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf.