Cabdi Casiis Cali Ibraahim xildhibaan Afhayeenkii Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay soo gaarsiisay warqad xilka looga qaadayo.
Isaga oo Caawa Dalsan la hadlay ayuu sheegay in Warqadaas uu soo gaarsiisay Wasiirka Amniga balse isagu mudo Shan Cisho ah kahor uu xilkii Afhayeenimo iska casilay wallow aysan jirin in uu Warbaahinta la wadaagay is casilaadaas.
Waxa uu sheegay in sababta uu isku casilay ay aheyd in uusan jecleyn in dalkaan uu dhibaatada weli kusii jiro.
Shalay ayaa waxaa Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya uu jeediyey hadalo uu ku weeraray Madaxda dowladda Soomaaliya si gaar ah laamaha amniga,isaga oo ka fal celinayey weerarkii Al-Shabaab Sabtidii ay ku qaadeen Xarunta Otta Otte oo ay ku yaalaan Xarumaha Wasaaradaha amniga iyo Gudaha.
Goordhow la socda Wareysiga Afhayeenkii Wasaaradda Amniga oo dhameystiran.