Waxaa saakay oo Talaado ah lagu wadaa in fagaaro ku yaalla Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari lagu toogto saddex xukunsane ee lagu helay kufsigii iyo dilkii loo geystay marxuumad Caasho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd.
Maxkamadda Sare ee Puntland ayaa kal horey shaacisay in Maanta oo ay taariikhdu ku beegsan tahay 11-ka bishaan February xukun dil toogasho ah lagu fulin doono ragga kufsigii iyo dilkii u geystay Marxuumad Caasho.
Raggan ayaa 12-May sanadkii 2019-kii waxaa xukun dil ah ku riday maxkamadda darajada koowaad ee Garoowe, iyadoo xukunkaasi 30-kii June ay ku raacday mida Rafcaanka.
Caasho Ilyaas Aadan ayaa bishii February ee sanadkii la soo dhaafay 2019-kii la’isugu daray kusfi iyo dil, waxaana dhacdadaasi ay si weyn u taabatay guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyey falkaasi foosha xun.