Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa kulan waxaa uu kula qaatay Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles MICHEL.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Charles MICHEL ayaa waxaa looga hadlay horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka sameysay dib u habeynta hay’adaha amnig iyo horumarinta dhaqaalaha.

Sidoo kale inta uu socday kulanka labada Mas’uul ayaa qodobadii looga hadlay waxaan kmaid ahaa xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika iyo taageerada Midowga Yurub ee dowlad-dhisidda Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa weli kulamo kala duwan ka wada Magaalada Addis Ababa, kuwaasi oo uu la qaadanayo Madaxda ka qeyb gashay Shir Madaxeedka 33-aad ee Midowga Afrika, kaasi oo shalay lasoo Gaba-gabeeyay.

Shirka 33-aad ee Midowga Afrika ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay dib-u-habeynta hay’adaha Midowga Afrika, hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda, xoojinta arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee Midowga Afrika sannadka 2020-ka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media