Caasimadda KMG ee Maamul-gobaleedka Galmudug waxaa maanta ka socda Loolanka Musharixiinta ku loolamayso 8-da Kursi ee uu Maamulkaasi ka helay Kuraasta Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.
Tartankaasi oo haatan weli ka socda Hoolka Shirarka ee Cadaado, ayaa waxa uu Abshir Maxamed Axmed “Bukhaari” oo ka soo jeeda Beesha Saleebaan ee Habar-gidir noqday Xildhibaankii ugu horreeyey ee ku guuleystay Kuraasta Galmudug ku leedahay Aqalka Sare ee Senedka.
Musharaxaasi waxaa uu ku guuleystay Musharaxa Kamaal Guutaale.
Sidoo kale, Jeneral Cabdi Xasan Cawaale “Qeyb-diid” ayaa isagana ku guuleystay Kursiga Beesha Sacad ee Habar-gidir, kadib, markii uu u tanaasulay Musharixii la tartamayey oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Tahliil.
Cod-bixinta Tartankaasi ayaa weli ka socota Xarunta Hoolka Shirarka ee Cadaado.
LA SOCO WIXII KU SOO KORDHA INSHA ALLAAH
©Radio Dalsan