Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco ayaa waxay sheegayaan in mudaharaadyo rabashado wata ay ka socdan magaalooyinka Burco,Ceerigaabo Iyo Hargeysa.
Mudaharaadyadan ayaa waxa dhigaya taageerayaasha Xisbiga WADDANI oo si wayn uga soo horjeeda natiijada lagu dhawaaqay Galabta oo ay Guddiga doorashooyinka Soomaaliland ku shaaciyeen in madaxwaynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Shanta sanno soo socota ay kala noqdeen murrasharixiinta Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi saylici.
Dhawaqa rasaasta ayaa hadda laga maqlayaa gudaha magaalooyinkaasi,waxaana ciidamadu ay dadaal xoogan ugu jiraan sidii ay u kala Eryi lahaayeen dadkan rabshadaha dhigaya.
Wali ma cadda khasaaraha ka dhashay rabshadahaasi, balse wixii ku soo kordha kala socda Radio Dalsan.com.