Wargeyska Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray in Sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Axmed Iimaan ka fekerayo inuu isku dhiibo Ciiddanka Kenya iyo in  Cafis loo fidiyo.
Sarkaalkaasi oo lagu naanayso “KIMANTHI| ayaa la sheegay inuu haatan baxsad ku jirto, kadib, markii la sheegay inuu ka soo goostay Alshabaab.
Ilo dhinaca Hay’addaha Ammaanka Caalamiga ee ka hawlgala Somalia ayaa u sheegay Wargeyska Nation in Axmed Iimaan oo ahaa Madaxa Dagaalamayaasha Ajaaniibta ee ka tirsan Alshabaab uu haatan baxsad ka yahay qaar ka mid ah  Taageerayaasha Axmed Diiriye iyo Mahada Karate, waa sida hadalka loo dhigay.
Dhinaca kale, Warbixin ay Hay’addaha Ammaanka Kenya soo saareen sannadkii hore waxay ku sheegeen in Axmed Iimaan saaxiibadiisa joogta Nairobi ay Malaayiin Shillinka Kenya u diraan sannad kasta, iyadoo Lacagtaasi laga soo ururiyo kirada goobo Ganacsi oo ku yaalal Xaafadaha UMOOJA iyo MALENGO oo ka tirsan Nairobi.