Diyaarad Drone ayaa lagu soo riday meel ku dhow Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Milliteriga Raashiya ee ku sugan Degmadda  Hemeimeem ee dalka Suurya.
Wakaalladda Wararka Raashiya ee RIA ayaa sheegtay in Diyaaradaasi la soo riday Saqdii-dhexe ee Xalay oo Isniin ahayd, lamana sheegin wax Khasaare ah oo soo gaaray Diyaaradda la soo riday iyo Saldhigga ay ku soo dhacday.
Waa Weerarkii u dambeeyey ee Drones ah oo lagu soo qaado Ciiddanka Raashiya ee ka hawlgala gudaha dalka Suurya.
Milliteriga Raashiya waxay sheegeen inay bishii Janaayo ee sannadkan soo rideen 7 Drones oo ka mid ahaa 13 Diyaaradaha noocaasi oo lagu soo weeraray Saldhigga Ciiddanka Cirka Raashiya ku leeyihiin Saldhigga Hemeimeem ee dalka Suurya.