Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa Suuqaweyn ee Bakaaraha Magalada Muqdisho waxaa la sheegay in ay dilka geysteen kaidbna ay goobta ka baxsadeen.
Dilka ayaa waxa uu ka dhacay Isgoyska Bakaaraha waxana goobjoogayaal ay sheegeen in askari ka tirsanaa Ciidamada Taraafikada halkaasi lagu dilay,xilli Isgoyska uu ahaa mid mashquul badan.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay,kuwaas oo sameeyey howlgal ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey dilka Askariga.
Ilaa iyo hadda majirto cid loosoo qabtay dilkaas Askarigaas ka tirsanaa Ciidamada Taraafikada,waxa uuna kusoo aadayaa xilli tan iyo markii ay dhalatay Bisha ramadaan ay dilalka kusoo kordhayeen Magalada Muqdisho.