Ergayga joogtada ee Dowladda Malta u joogta Xarunta Dhexe ee QM ee magaaladda New York, Vanessa Frazier ayaa ku dhawaaqday inay xubnaha Golahaasi ay Kulan Khaas ah isugu imaan doonaan 8-da Fiidnimo ee Caawa oo Axad ah.
Vanessa Frazier oo haysa Xilka Wareega ee Madaxa bishan ee Guddoonka Golaha Ammaanka ee QM ayaa sheegtay inay Ergada Israel u joogta Xarunta Dhexe ee QM dalbadeen Kulankaasi, kadib, Weerarkii Darooniska iyo Gantaalada Iran ee ay xalay ku qaadeen gudaha Israel.
Kulanka xalay ee xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Ergada Dibloomaasiyiinta Iran u jooga Xarunta QM ee magaalladda New York xalay shaaciyeen in Weerarkaasi uu ahaa Xaqa Is-Difaaca, sida ku cad Qoddobka 51-aad ee Cahdiga Guud ee QM.
Dhinaca kale Telefishinka Israel ee Channel 12 iyo Barta Telefishinka News Arabic ee X ayaa lagu sheegay inay Diyaaradaha Dagaalka ee Maraykanka iyo UK ay dhowr Diyaaradaha Darooniska Iran ku soo rideen Deegaanada Xuduudka ee dalalka Syria iyo Iraq.
Telefishinka CNN ayaa baahiyey in Nidaamyada Difaaca Cirka Maraykanka u yaalla Mandiqada Bariga Dhexe ay soo rideen qaar ka mid ah Diyaaradaha Darooniska Iran ee ku wajahnaa gudaha Israel.