R/Wasaare Rooble oo la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed.

Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay Guddoomiye Cismaan Barre ayuu ku sheegay kulanka dhexmaray isaga iyo Ra’iisul Wasaare Rooble uu ahaa mid la xiriiray Salaan, Hambalyo iyo Is-barasho.

Labada Mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay marxalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Arimaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, waxaana Ra’iisul Wasaare Rooble uu Cismaan Barre kula dardaarmay inuu dardar-geliyo howlaha shaqo ee Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horey kulamo kala duwan ula qaatay Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Hirshabeelle iyo Jubbaland, sidoo kalena la kulmay siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur, Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media