RW hore ee Somalia oo ka hadlay xil la-wareegistii Ra’iisul Wasaare Rooble

Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas marna soo noqday Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay qaabkii shalay ku-simihii Ra’iisul Wasaaaraha dalka Mahdi Guuleed uu xilka ugu wareejiyay Ra’iisul Wasaaaraha Cusub ee Maxamed Xuseen Rooble.

Caliweli Gaas oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in wax dhibaato ah aysan laheyn in ku-sime Ra’iisul Wasaare uu xil ku wareejiyo Ra’iisul Wasaare Cusub ee la magacaabay, isla markaana xil wareejintii shalay dhacday ay tahay wax sax ah.

Waxaa uu sheegay Caliweli Gaas in muhiim ay aheyd in la tix-geliyo Codkii uu Xasan Cali Kheyre uu u qoray Ra’iisul Wasaaare Rooble ee ahaa in xilka isaga uu ku wareejiyo, hayeeshee arrintaas aysan dhicin.

Isaga oo sii hadlaayay Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Caliweli Gaas ayuu shaki geliyay in sharciga iyo Dastuurka ay ka hor imaaneyso xil wareejintii uu sameeyay Siihayihii Ra’iisul Wasaaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Si kastaba Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur ayaa sharci darro ku tilmaamay qaabkii Maxamed Xuseen Rooble uu xilka Ra’iisul Wasaaaraha ugala wareegay Mahdi Guuleed, isagoona Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu jebiyay Dastuurka dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media