Qaraabadda in ka badan 200 Dagaalyahano ka tirsan Daacish aya lagu khasbay inay ka tagaan Degmadda Dhuliya oo 70 KM dhanka Waqooyi kaga toosan Baqdaad.
Saraakiisha Ammaanka ee Iraq waxay kaloo sheegeen in Ciidda Carafo kadib in la masaafurin doono 170 qoys oo Ehel la ah ragga ku biiray Daacish, kuwaasi oo deggan Degmadda Hiit oo 130 KM dhanka Galbeed kaga toosan Baqdaad.
QM ayaa cambaaraysay Tallaabadaasi kuna tilmaatay mid ka baxsan Xuquuqda dadka Birr-ma-geydada ah.
©Radio Dalsan