Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga, una dulqaataan tallaabooyinka dheeriga ah ee lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho oo la filayo in dhowaan lagu qabto Shir Madaxeedka waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD. “Waxa lagu guda jiraa qabanqaabada shirka madaxda IGAD. Waa shir taariikhi ah, dhanka kalena muujinaya kalsoonida gobolka iyo beesha caalamka ay ku qabaan dib u soo kabashada Soomaaliya. Waxaan sidaa darted dadaal dheeri ah gelinay sugidda amniga, iyadoo ay lagama maarmaan tahay in shacabka ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga si aanu cadowga ugu suuragelin inuu fursaddaasi dahabiga ah ka lumiyo waddankeena’’, ayuu yiri Madaxweynaha. Waxaa uu Madaxweynaha intaa ku darey in tallaabooyinka amniga lagu sugayo ay la imaan karaan caqabado dhanka dhaqdhaqaaqa bulshada, isagoo shacabka ka codsadey inay u dulqaataan maalmaha yar ee hawlaha shirka lagu xaqiijinayo ay socdaan. Urur Goboleedka IGAD oo sannadkii 1986-kii waxaa lagu aasaasay dalka Djibouti, ayaa markii ugu horeysay shir madaxeedkiisa ku qabanaya dalka Soomaaliya, iyadoo Soomaaliya ay ka mid ahayd aasaasayaashii ururkan. Isagoo ka hadlayay arrimaha shirka madasha hoggaamiyeyaasha qaranka ee ka socda Muqdisho, waxaa uu Madaxweynaha sheegay in wax walba ay si wanaagsan u socdaan, dhowaanna shirkaasi la soo gabagabeyn doono, lagana soo saari doono go’aanno dhaxal gal ah oo la xiriira dowlad dhisidda iyo doorashooyinka Soomaaliya. ——————————-DHAMMAAD——————————- |
|
|
|