Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay inay fashiliyeen qarax miino oo la doonayey in lagu khaarijiyo Ku-xigeenka Guddoomiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Horumarka (AKP) ee haya Talada dalkaasi, Mahdi Eker.
Ciiddanka Ammaanka ayaa sheegay inay miinooyin culayskooda guud dhamaa 640 Kiilo ka heleen dhowr goobood oo u dhow Qabuuraha ay ku aasan tahay Hooyadiisa oo ku yaalla Degmadda Bismil ee K/bari Turkiga. .
Guddoomiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Horumarka (AKP) ee haya Talada dalkaasi, Mahdi Eker oo ka soo jeeda Qowmiyadda Kurdishka ayaa u sheegay Telefishinka NT ee dalkaasi inuu Qabuuraha Hooyadiisa booqan jirey 30-kii sanno ee la soo dhaafay.
Waxa siyaaradda uu ku tegay Qabriga Hooyadiisa ku wehliyey ugu yaraan 100 qof, mana jirto dad loo soo qabtay falka lagu khaarijin lahaa Siyaasigaasi, inkastoo Warbaahinta Turkiga ku tuhunsan yihiin Maleeshiyadda Kooda Kurdishka ee PKK.
©Radio Dalsan