Diyaarado Dagaal ayaa la sheegay inay saqdii dhexe ee alay duqeeyeen Deegaanadda ay Kooxaha Mucaaradka ka haystaan Degmooyinka Idlib iyo Aleppo ee W/galbeed ee Syria.
Duqeymahaasi waxay dhaceen saacado kadib, markii ay Dowladaha Maraykanka iyo Raashiya isla garteen in dalka Syria berri oo Isniin ah laga hirgeliyo Xabbad-joojin.
Weriye ka tirsan Telefishinka Aljaeera oo ku sugan goobaha la duqeeyey ayaa sheegay in duqeyn xooggan lala beegsaday Dhismooyin la deggan yahay iyo Suuq aad loo buuxay oo ay dad rayid ah oo ka dukaamaysanayey.
Weryaha waxa uuu xusay inay goobtaasi ku geeriyoodeen carruur iyo haween u diyaar garoobayey Munaasabadda Maalmaha Ciiddul Adxaha oo ku beegan berrito oo Isniin ah.
Kooxda Ilaalaysa Xuquuqda Aadanaha ee Syria waay sheegeen in dadka geeriyoodeen ay ku jireen 13 haween iyo 13 carruur ah, iyadoo tobaneeyo kalena la dhaawacay.
Dhinaca kale, Dowladda Syria waxay soo dhaweysay Go’aanka ay Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka iyo dhigiisa dalka Raashiya ku icliaamiyeen Xabbad-joojinta dalka Syria laga dhaqan gelinayo berri oo Isniin ah.
©Radio Dalsan