Nahiid Xataar oo 66-jir oo ahaa Qoraa Saxafi iyo Falaanqeeye Siyaasadeed ayaa waxaa saakayto lagu dilay isagoo sii galayo Dhismaha Maxkamad ku taalla Bartamaha caasimadda dalkaasi ee Cammaan.
Dabley aan la aqoonin ayaa la sheegay inay 3 xabbadooda kaga dhufteen madaxa, wuxuuna ku geeriyootay Isbitaalka.
Ninkaasi oo Kirishtaan ah ayaa waxaa maanta la soo taagi lahaa Maxkamad, isagoo lagu eedeynayo Sawir-gacmeed uu soo dhigay Barta uu ku leeyahay Facebook.
Nahiid Xataar oo Taageero u ahaa Madaxweynaha dalka Syria waxa uu Sawirkiisa ku aflagaadeeyey Ilaahay iyo Diinta Islaamka.
Ninkaasi oo dhawaan laga sii daayey Xabsiga ayaa la sheegay in loogu hanjabay in la dili doono, sida uu sheegay Walaalkiisa oo ay soo xigteen Warbaahinta dalkaasi.
Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka dalka Urdun ee PETRO ayaa baahisay in la qabtay Ninkii dilka u geystay Qoraagaasi.
©Radio Dalsan