Qoor-qoor oo dib u  magacaabay Wasiir horay Xilka qaadis loogu sameeyay

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shaqadiisa dib ugu celiyay wasiirka arrimaha gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel).

Madaxweyne ku xikeenka maamulkaas Cali Daahir Ciid ayaa 29-kii bishii May ee sanadkii hore xilka ka qaaday Wasiir Cabdi Waayeel, xilligaas oo uu socotay qorshe golayaasha deegaanka loogu dhisayo degmooyinka Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa faray dhamaan hey’adaha kala duwan ee Galmudug inay la shaweeyaan wasiir Cabdi Waayeel, si howsha wasaaradda uu u guto.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor