Wararka dalsan ay ka heleyso degmada Kaaraan ee Gobolkaan Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa Maqribkii halkaasi lagu dilay qof Shacab ah.
Dilka ayaa sigaar ah uga dhacay Xaafada Nageyle ee Degmada Kaaraan,waxana la sheegay in Kooxo hubeysan ay dhowr Xabadood ku dhufteyn Nin Magaciisa lagu sheegay Maxamed Maxamuud Cadaawe (Maxamed Dheere).
Ninkaan ayaa dadka deeganka qaarkood waxa ay Dalsan u sheegen in uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray markii hore rasaastii ay ku dhufteyn Kooxihii hubeysnaa.
Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada Kaaraan ayaa goobta dilka ka dhacay gaaray balse kuma guuleysan in ay Gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka Ninkaas.
Waa dilkii labaad oo ka dhaca degmada Kaaraan ee Gobolkaan Banaadir mudo Saacado ah kadib dil Saakay Nin Oday ahaa lagu dilay  meel aan ka fogeyn Xarunta Maamulka degmada Kaaraan.