Iyadoo dhowr Ciidanka Kenya ee ku sugan Soomaaliya gaar ahaan Koonfurta dalka ay weeraro kala duwan ku qaadeen dhowr Xarumood oo ay laheyd Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa waxaa arrinaas ka hadashay Qaramada Midoobey.
Guddiga Qaramada Midoobey u qaabilsan dabagalka cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Arrimaha Ammaanka ayaa shaaciyay in Ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan Soomaaliya ay Mas’uul ka yihiin weeraro Khasaaro hantiyeed geystay oo lagu qaaday dhowr jeer Xarumood oo ay laheyd Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.
Xarumaha ay laheyd Shirka Hormuud ee weerarka lagu qaaday ayaa ku yaalla Koonfur dalka Soomaaliya, waxaana weeraradaas ay ahaayeen kuwa u badan Miinooyin nooca dhulka lagu aaso ah, isla marlaana sababay in deegaanka badan oo halkaas ku yaalla marar badan ay Isgaarsiinta ka go’do.
War-saxaafaeed kasoo baxay Shirkadda Hormuud ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka Kenya ee jooga gudaha dalka ay 10 jeer oo kala duwan ay weerar kala kulmeen, kuwaasi oo si toos ah loogu qaaday Xarumaha Shirkadda.
“Qasaaraha na gaaray waxa uu gaarayaa ilaa $5 million, weerarada waxa ay dib u dhac ku keenayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, waxa ay wiiqeysaa gargaarka banii’adanimo” ayuu yiri Afhayeen u hadlay Hormuud.
Guddiga Qaramada Midoobey u qaabilsan dabagalka cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Arrimaha Ammaanka ayaa falka lagula kacay Shirkadda Hormuud ku tilmaamay mid baalmarsan sharciga Caalmiga.
Si kastaba Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa kal hore ugu gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka gal dhammeystiran oo lagu ururiyay khasaarooyinkii naf iyo maalba lahaa ee ka dhashay weerraradaas loo geystay Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed.