Xildhibaanada Baalamaanka Puntland ayaa Maanta oo Sabti ah kulan xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, waxaana Golaha la horgeeyay Guddiga Doorashooyinka Puntland.
Kulanka ayaa waxaa Shir guddoomiyay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuuuf Jibriil oo Khamiistii la soo dhaafay ay doorteen Xildhibaanada, kadib markii Mooshinka xilk looga qaaday Guddoomiye Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhooba-daareed.
Xildhibaanada ayaa Cod gacan taag ah ku anxiyay Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland, kuwaasi oo uu soo Magacaabay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.
Sidoo kale Guddiga Maanta la meel-mariyay ayaa waxaa horyaalla oo laga doonayan inay qabtaan Shaqooyin badan, isla markaana muhiim ah dowlad Goboleedka Puntland.
Shaqooyinka horyaalla Guddigaan ayaa waxaa kamid ah diiwaan-gelinta urur-siyaasadeedyada, diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha, xuduudaynta degmooyinka Puntland iyo qabashada doorashooyinka Golayaasha degaanka.