Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishkuur Warsame ayaa ka hadlay sababta uu Xisbigiisa ugu mid noqon waaye Madasha Xisbiyada Qaran ee looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho uuna hogaamiye ka yahay Sheekh Shariif Sh Axmed.
C/raxmaan C/Shakuur oo wareysi siiyay mid kamid ah Tv-yada ku baxa Af-Soomaaliga ayaa waxaa uu sheegay in Argti laga uruuriyay Xubnaha Xisbiga lagu diiday, isla markaana go’aan lagu gaaray in haatan aan laga mid noqon Madasha Xisbiyada Qaran ee Muqdisho looga dhawaaqay.
Sidoo kale C/raxmaan C/Shakuur ayaa sheegay in Madasha ay ka mideysan yihiin hal arragti, taasi oo uu tilmaamay inay tahay in Doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu talagalay.
Isaga oo sii hadlaayay Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayuu Carabka ku dhuftay in muhiim ah ay la tahay in Doorashada ay ku dhacdo si xor iyo xalaal ah laguna qabto waqtigeeda, taasina laga wada shaqeeyn doono.
Waxaa kaloo uu tilmaamay C/raxmaan C/Shakuur in sababta xisbigiis u diiday Madasha Xisbiyada ay tahay, kadib markii ay soo jeediyeen in Madashu yeelato xariiriye oo kaliya, hayeeshee markii dambe hoggaamiye loo doortay Madaxweynihii hoe ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed.
Si kastaba Magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga dhawaaqay Madasha Xisbiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin ilaa iyo lix Xisbi, waxaana Madasha kamid ah Xasan Sheekh Maxamud iyo Shariif Sh Axmed, iyagoona Mucaarad ku ah dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.