QM iyo Somalia oo ka wada hadlay Nabadda iyo Dib-u-dhiska Somalia

Madaxa Golaha Guud ee QM (The Presideny of the General Assembly (PGA), Sam Kahamba Kutesa oo u dhashay dalka Uganda waxa uu Xarunta QM ee magaalladda New York ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga ee Xukuumadda Federalka Somali, Abdisalam Omar Hadliye.

Kulankaasi waxaa la isku dhaafsaday xaalladihii ugu dambeeyey ee Arrimaha Somalia, iyadoo uu Wasiir Hadliye ka warbixiyey dadaalka Dowladda Somalia ugu jirto soo-celinta nabadda, dib-u-dhiska iyo horumarka.

Wasiirka waxa uu hoosta ka xariiqay inay Somalia soo wajahayaan xaallado adag, wuxuuna xusay in Xukuumadda samaynayso dadaal kasta si loo xaqjiiyo kobcinta Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Xoojinta Ciiddanka Ammaanka si loo gaaro deganaansho buuxda.

Dhinaca kale, Madaxa Golaha Guud ee QM (The Presideny of the General Assembly (PGA), Sam Kahamba waxa uu sheegay inay taageerayaan dadaalladda haatan socda ee lagu soo celinayo nabadda, deganaanshaha, Dib-u-dhiska iyo Horumarka Somalia.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor