Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose Maanta waxaa kulan deg deg ah ku yeesgay Guddiga arrimaha bulshada ee Gollaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Jubbaland,iyadoo kulan looga hadlay arrimo kala duwan.
Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray inta uu socday qeyla-dhaanta abaareed ee kasoo yeereysay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo iyo qaybo ka mid ah Gobolka Jubbada Hoose ee maamulka Jubbaland.
Guddiga arrimaha bulshada ee Gollaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa si qota dheer faahfaahin uga bixiyay goobaha ay sida gaar ah uga taaganyihiin abaaruhu waxa ayna sheegeen in si gaar ah saameyn ugu yeesheen dadka xoola dhaqatada ah.
Waxa ay baaq u direen Dowladda Federaalka Soomaaliya,Dowlad Goboleedka Jubbaland,Hay’adaha samafalka in si deg deg ah looga geysto abaaraha ka taagan deegaanada Jubbaland gaar ahaan Gobolka Gedo oo ay qayla dhaanta ugu badani ka timid.