Isbahaysiga CORD oo mar kale eedeeyey Ciiddanka Kenya ee ku sugan Kismaayo

Hoggaamiyaha Isbahaysiga CORD ee dalka Kenya, Raila Odinga ayaa ku eedeeyey Ciiddanka Kenya ee ka hawalgala gudaha dalka Somalia inay Dekedda Kismaayo ka soo daabulaan Sonkorta sida Kontorobaanka lagu geliyo gudaha Kenya.

Waxa uu tilmaamay inta badan Sonkorta lagu iibiyo Kenya yihiin kuwo ay Ciiddanka si kontorobnaan uga soo qaadaan Dekedda Kismaayo, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay ka soo horjeedaan Kontorobaankaas.

“Isbahaysiga CORD  marnaba ma oggolaan doonaan Soo-dejinta Sonkorta, iyadoo ay  in ka badan 6,000 oo Beeraley abuurta Khasabka jiraan” ayuu yiri Raila Odinga.

Dhinaca kale, Aadan Ducaale oo Aqlabiyad ku leh Barlamaanka Kenya ayaa ku eedeeyey Hoggaamiyaha Isbahaysiga CORD, Raila Odonga inuu Wershadda Sonkorta Kenya ee MUMAIS kala baxsaday lacag dhan 40 million oo Shillinka Kenya.

Waxa uu ugu baaqay Raila Odinga inuu dib u soo celiyo lacagtaasi oo ay Familkiisa horey uga amaahdeen Wershadda MUMAIS Sugar Company.

Dhinaca kale, Raila Odinga oo mar Ra’isul-wasaare ka soo noqday dalka Kenya Ayaan ka jawaabin Eedeymahaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor