Qaxooti Somali oo ku dhaawacantay iska horimaad ka dhacay Xero ku taalla Jesiiradda Qubrus.

8 qof ayaa ku dhaawacantay iska horimaad xalay dhex maray Qaxooti Somali iyo kuwo Carab ah oo ku sugan Xero dadka lagu hayo oo lagu magacaabo “The Kofinou reception Center,

Boliska Jesiiradda Qubrus ayaa laga soo xigtay inuu muran dhex maray  in ka badan tahay 100 qof oo isugu jirtay Qaxooti Somali iyo Carab, iyadoo ay dagaalkaasi ka qeyb galeen rag iyo dumar.

Eight injured in brawl at Kofinou reception centreKhilaafka ayaa la sheegay inuu ka bilowday Nin Somali oo sarqaan ah oo ay dagalaameen Qaxooti u dhashay Syria oo ku sugan Xeradaasi.

Shabakadda Wararka ee  cyprus-mail.com ayaa qortay inuu dagaalku bilowday 11-kii Fiidnimo ee xalay, waxayna Saraakiisha Boliska ku qaadatay  muddo 60 daqiiqo si ay u soo af-jaraan dagaalkaasi.

Qaxootiga oo labo dhinac u kala saftay ayaa la sheegay inay isku adeegsadeen Dhagxaan, Ulo iyo wax kasta oo ay isku garaaci karaan.

4 haween oo u dhalatay Somalia  iyo 4 nin oo u dhashay dalka Syria ayaa waxay dhaawacyo fudud ka soo gaareen Iska horimaadkaasi, waxaana loo qaaday Isbitaalka.

Sidoo kale, waxa uu burbur xooggan soo gaaray  dhismaha Xarunta lagu hayo Qaxootiga ee ay ku hardameen qaar ka mid ah Qaxootiga Magangelyo-doonka.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor