Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Ambassador James Christopher Swan iyo Kaaliyha Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar, ahna Afhayeenada Wasaaradaasi, Loolwah Binti Rashiid Al-Khateer ayaa waxaa kulan Wada-tashi ah ku yeesheen magaalladda Antalya ee dalka Turkiga.
Kulankooda ayaa waxa uu ka barbar dhacay Shirweynaha Madasha Diplomaasiyadda oo shalay ka furmay magaalladda Antalya ee Koonfurta Turkiga.
Kulanka Ambassador Swan iyo Kaaliyaha ayaa waxa ay kaga wada hadleen Dhacdooyinka Siyaasadda ee Somalia, iyagoo Dib-u-eegis ku sameeyey Horumaradii u dambeeyey ee Arrimaha Somalia, gaar ahaan Doorashooyinka soo socda, Deganaanshaha Siyaasadeed, Nabadda iyo Amniga Guud ee Somalia.
Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Qatar News Agency ee QNA oo aan Warkan ka soo xiganay waxay sheegtay in Kaaliyha Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar, ahna Afhayeenada Wasaaradaasi, Loolwah Binti Rashiid Al-Khateer carrabka ku adkeysay Taageerada Dowladda Qatar ee Xoojinta Ammaanka, Horumarka iyo Deganaanshaha Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, kulanka Ambassador James Christopher Swan iyo Kaaliyha Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar, ahna Afhayeenada Wasaaradaasi waxa uu ku soo aaday iyadoo ay inta badan Murashixiinta Xilka Doorashada Madaxweynaha soo socda ee Somalia ay tuhun xooggan ka qabaan Galaangalka iyo Taageeradda ay Qatar la garab taagan tahay Madaxweyne Farmaajo oo xilli-hawleedkiisa Dastuuriga ku ekaa bishii Feberaayo 8-dii ee sanadkan.