Qareenka Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Abuukaate Tahliil Xaaji  oo Wareysi gaar ah siiyey  Radio Dalsan ayaa sheegay in Maxkamadii maanta dib loo dhigay ilaa biri kadib marki Xeer ilaalintu ay dalbatay iney la timaado cadeymaha eedeymaha ay Soo jeedisay.
AVV Tahlil ayaa sheegay in marka horeba ay qalad aheyd qaabkii lo xiray loona weeraray guriga siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur oo uu sheegay in Ciidamadii weeraray aaney heysan ruqsad.
Waxa uu  sheegay in sharciga uu yahay in muwaadin aan  ruqsad loo soo jarin aan la soo xiri karin 7:00 fiidnimo ilaa 6;00 subaxnimo.
Mar uu ka hadlayey eedeymaha waxa ay yihiin ayuu sheegay in ay yihiin in C/raxmaan Cabdi Shakuur maleegayey dabino ka dhan ah qaranimada Soomaaliya balse aan cadeymo loo heyn.