Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi oo saacadihii lasoo dhaafay qarax lagula eegtay deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa Ciidanka Burundi ee AMISOM lagunla eegtay xili ay socdaal ku marayeen deegaanka Buurane oo qiyaastii 3-KM ujira degmada Mahadaay.
Ugu yaraan 2 askari oo ka tirsan ciidamada Burundi ayaa ku geeriyooday qaraxaas, halka kuwo kalena dhaawac uu soo saaray, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaadm oo Ciidanka AMISOM ku leeyihiin Buurane.
Al-shabaab warar ay ku faafiyeen barahooda dhinaca Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxaas ka dhacay deegaanka Buurane, iyagoo sheegay inay ku dileen laba Askari oo Burundi ah.
Al-shabaab ayaa dhowr jeer deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ay qaraxyo kula eegteen Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana qaraxyadaas ka dhashay Khasaarooyin kala duwan.