Goordhow ayaa waxaa Wariyayaasha looga yeeray Hoyga Gudoomiyaha Golaha Shacbka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kadib kulamo kala duwan uu ka qeyb galay saacadihii la soo dhaafay.
Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in ay hadli doonaan qaar ka mid ah Gudigii Xildhibaannada ahaa ee ku matalayay wadahadalada xal raadinta ah,iyaga oo ka hadli doona wadahadaladii soo socday labadii maalmood ee la soo dhaafay ee lagu doonayay in lagu xaliyo khilaafka Golaha Shacabka iyo kulankii uu Galabta ee  Madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiye Jawaari.
Maalinta Berito ah ayaa Xildhibaanada mooshinka ka gudbiyey Gudoomiyaha waxaa lagu wargeliyey in uu dhici doono kulanka Baarlamaanka,isla markaana laga doodi doono mooshinkii laga gudbiyey gudoomiyaha.
Todobadkii hore ayaa markii la iclaamiyey kulankii Golaha Shacabka ee fashilmay ayaa gudoomiye Jawaari uu hadlay waxa uu sheegay in kulan uu la qaatay madaxweyne Farmaajo uu ka dalbaday in uu is casilo basle uu diiday.
Wixii ka soo baxay Shirka Jaraa’id kala socda Radiodalsan.com