Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya Cabbdinuur Maxamed Axmed ayaa xaqiijiyay in Maanta oo Sabti ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Safar ku tegayo Magaalada Dhuusamareeb.
Agaasime Cabdinuur oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ku sheegay in Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayo ay gelinka dambe ee Maanta tegi doonaan Caasimadda Galmudug, iyadoona halkaas uu ka socdo diyaar garoow ballaaran.
Ujeedka Madaxweyne Farmaajo ee Dhuusamareeb ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb geli lahaa shir ay yeelanayaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo lagu gorfeynayo wada shaqeynta labada heer ee Dowladda iyo doorashooyinka Qaran.
“Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta gaaraya Dhuusamareeb si uu halkaasi uga qeybgalo shir ay yeelanayaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo lagu gorfeynayo wada shaqeynta labada heer ee Dowladda iyo doorashooyinka qaran ee nagu soo fool leh” ayuu yiri Agaasime Cabdinuur.
Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada, waxaana amniga Magaalada uu yahay mid siweyn loo adkeeyay.