War Goordhow naga soo gaaray ayaa waxaa uu sheegayaa in qarax labaad laga maqlay qeybo kamid ah Gobolka Banaadir,kaasi oo ka dhacay wadada aada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa labaad ayaa sigaar ah waxaa uu uga dhacay Bar Koontarool oo ku taalla wadada aada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho,isla markaana waxaa la arkayay uuradiisa qaraxaas.
Mar qura ayaa dadka kunool Magaalada waxaa ay maqleen dhawaqa qarax xoogan,kaasi oo ahaa midka koowaad oo ka dhacay Isgoyska Sayidka ee Miuqdisho.
Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho.