Inta badan Wadooyinka Magalada Muqdisho ayaa Maanta xiran waxaana alagu arkayaa ciidamada dowladda oo Gaadiidka u diidaya in Wadooyinka badi ay isticamalaan xili Maanta lagu wado in uu furmo kulanka Golaha Shacabka oo laba Ajende oo iska soo horjeeda ay yaalaan.
Ciidamo isugu jira Boolis,Milateri iyo Nabadsugid ayaa Maanta ayaa waxaa lagu arkaaya Wadooyinka Waaweyn ee Muqdisho,sida Wadada Wadnah, Wadada Maka-Almukarama,iyaga oo u diidaya in Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ay isticmaalaan xataa mararka qaar Gawaarida ay wataan madaxda dowladda.
Kulanka golaha Shacabka ayaa lagu wadaa Maanta in uu ka furmo Xarunta Golaha kulankaas oo laga cabsi qabo in uu ka dhasho buuq iyo Gacan ka hadal maadaama Xildhibaanada shiraya ay kala wataan laba Ajende oo iska soo horjeeda.
Xaalada Magalada Muqdisho ayaa Maanta ah mid kacsan,waxna Isgoys walba taagan Ciidamada Dowladda oo Gaadiidka celinaya,sidoo kale waxaa la arkayaa in dadweynaha ay dhammaan wada lugeynayaan maadaama wadooyinka la xiray.